Showing: 1 - 1 of 1 RESULTS

Post a Comment. Alle Dartiis waxaad uga tagtid Rabi waxa uu kugu Badala Shay ka kheyr badan Masjidka waxaa Joogi jirey Sheekh ilaa Todobaatan jir ah Magiciisana waxaa la oran jirey, Sulaym AL Suyuudi, Dadka xaafadda daganina aad bay ugu kalsoonaayeen wixii ku saabsan arimaha diintooda iyo duunyadoodaba way ula noqon jireen, Sheekha waxaa la joogi jirey Ardey aad u dhawrsani badan oo aan waxba haysan, Masjidka ayuu ka daganaaa Qol, waxaa soo maray ardaygaas Inusan waxba cunin laba maalin, wuxuu cunana ma uusan heli jirin, maalintii Sadexaad ayuu is yiri waad dhimanaysaa, wuxuu ka fakarey wuxuu samayn lahaa, markaasuu wuxuu Is tusiyey In ay u bannaantahay inuu wax soo xado si uu dhimashada uga bad baado.

Sheekh Dandaawi wuxuu leeyahay Qisadan waa Qiso dhab ah dadka ay ku dhacdayna waan garanayaa. Masjidku wuxuu ku yaaley xaafado qadiim ah, guryuhu barigii horena way xidhiidhsanaan jireen oo dhinaca ayeey isku wada hayeen, qofkuna wuxuu awoodey inuu guri intuu fuulo uu xaafadda dhan isu wada maro.

Ardaygii Masjidkii buu dhakada ka fuuley kadibna wuxuu ku dulsocdey xaafadihii isku dhegsanaa, indhihiisu waxay ku dhaceen dumar kadibna wuu ka ill laabtey oo wuu ka fogaadey, wuxu arkey Gurigi Cidlo ah oo ay ka so baxayso Urta Karinta cuntada, Gaajadii haysey awgeed Sidii bir labta oo kale ayaa dhankii guriga loogu jiidey, gurigii buu kor ka dalooliyey kadibna Kijadii buu galey, digsigii dabka Saarnaa ayuu ka qaadey daboolka, Mise waxaa kar karaya Baadijaan, Mid buu la soo baxay Kadibna wuu qaniiney, Ma uusan awoodininuu liqo caqligiisii iyo diintisii ba u soo noqdey, wuxuu yiri " Acuudu billlaah, Ma anigoo Daalibul Cilmi ah oo waliba Masjidka degan Ayaan guryaha dadka u dhacayaa oo Xadayaa?.

Wuxuu sameeyey ayaa la waynaadey kadibna wuu istiqfaarsadey wuxuu ku celiyey Baadijaankii dhergii, kadibna wuxu ku soo noqdey meeshuu ka yimid, Sheekhii Darsiga bixinayey buu iska ag fadhiistey isagoo aan awoodin inuu maqlo waxa uu sheekhu sheegayo Gaajo awgeed.

Markii Darsigii dhamaadey ee ay dadkii kala dareereen, waxaa sheekhii u timid Haweeney is asturaysa Dumarkuna xiligaas Way asturnaayeen, Sheekhii bay la hadashey hadal uusan maqlin Ardaygu, kadibna sheekhii baa dhinicii ardayga soo jalleecay kaligiis buu arkey inuu ka joogo ardaydii, markaasuu u yeedhey wuxuu ku yiri" Reer Ma leedahay? Ardaygii wuxuu yiri Maya" Sheekhii wuxu ku yiri Guur ma doonaysaa? Kadibna wuu aamusey, Sheekhii ayaa mar labaad ku celiyey Guur ma doonaysaa?

Markaasuu ardaygii ku yiri Yaa Sayidii Rooti waxaan siisto ma haysto Maxaan ku guursadaa? Sheekhii wuxuu ku yiri Haweentani waxay ii sheegtey in ninkeedii uu dhintey Magaaladanna way ku cusubtahay, Cidna uma joogto aan ka ahayn Adeerkeed oo Wayn, wuuna la socdaa hadda, waxayna dhaxashey gurigii ninkeeda iyo macaashkiisi, waxayna rabtaa inay hesho nin ay ku guursato Sunada Rasuulka SCW, Si aysan u kaliyoon, oo aysan markaa u damaaciyin Dadka xun xun, ee Ma rabtaa inaad guursato?

Ardaygii wuxuu yiri Haaah, Haweentii buu waydiiyey wuxuu ku yiri Ninkaan adiguna ma rabtaa haween yahay? Waxay tiri haaah, Adeerkeed buu u yeedhey iyo laba markhaati, Meherkiina Sheekhii baa ka dhiibey wuxuuna ku yiri Qabso Ninkaaga, Kadibna gacantiisii bay qabsatey oo gurigeedii bay la aadey, Markey gurigii gashey Ayeey wayjigii iska faydey, Mise waaba Gabadh dhalin yaro ah oo Quruxbadan, Gurigii buu eegey Mise waa gurigii markii dhawayd Is lahaa Ka xad baadijaanka, Waxay ku tiri wax ma cunaysaa Markaasu yiri haah, Kijadii bay gashey waxay daboolka ka qaadey Dherigii waxay tiri Cajiib badanaa guriga ayaa soo galay maanta, Ardaygii waa ooyey Qisadiii buu uga sheekeeyey, waxay ku tiri tani waa Midhaha Amaanada waxaad ka dhawrsatey inaad cunto baadijaan xaaraam ah, ilaahay wuxuu ku siiyey gurigii dhammaa iyo gabadhii lahayd si xalaal ah Qiso Cajiib ah: Gabar Alle ka cabsi badneyd.

Qisadan waa Mid ka mid ah Qisooyinka ugu Cajiibka badan, uguna soo Jiidashada badan oo ay qoreen Culumada Islaamka, ayaan Maanta idiin soo Bandhigeynaa. Qisadaan oo Run ahaantii noqon doonta mid Dareen Baaxad leh kugu Reeb Ninkii ayaa Waddo walba u soo maray siduu mar uun ku Heli lahaa Gabdhaan.

Cadeeyn in diinta Islaamka diinta xaqa tahay. Haweenay caan ah oo cir bixiyeen ah oo u dhalatay dalka Maraykanka, asal ahaana ka soo jeeda dalka India, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay soo Islaamtay. Allah swt ayaa weeydiisaneeynaa awlaada inuu noo hagajiyo inuu nooga dhigo caruur lagu indho qawoob sado caruurta Allah janada nooga baryo awlaada saalaxiin Allaha nooga dhigo dhagarta gaalada iyo shayaadiintaba Allaha nooga xifdiyo intaan heesana Allaha swt ha siiyo awlaad badan oo baariyaal ah aduun iyo akhiraba anfacdo aamiin ya Allah.

Awoowe u ahaa. Tilaabadana way dhibeesey, Markuu Cuntada cunaayana ama uu Cabaayo biyaha, inta badan waxuu ku daadin jirey Miiska cuntada lagu cuno, awooda Gacmahiisa oo aad u liita dartood, sidaa darted Wiilkiisa iyo Gabarta uu sodoga u ahaa oo miiska kula cunteen jirey aad bey u dhibsadeen Duqa. Wiilkiisa iyo Gabadhuu sodoga u ahaa waxey u diyaariyeen miis yar oo gooni loogu bixiyo Cuntadiisa, si uusan u dhibin mar danbe, xili intooda kalena ay ku Raaxeesanaayaan miiskii weynaa ee Rashinka.

Cunugii yaraa uu Awoowga u ahaa Xaalada oo dhan Indhaha ayuu ka Fiirinaayey, wax walbana wuu Dareemaayey. Ogow waalidkaaga waxaad ku sameesid, ilamahaaga ayaa kaa jari doono!!

Qiso Jaceyl oo ku waano qaadasho mudan. Qeybta Koowaad. Xanuunka Jaceylka Qurbaha Faiza waa gabar somaliyeed. Waxeey ku dhalatay somalia, Intaa kadib Faiza reerkeedi waxeey qaxooti ku noqdeen kenya.Qofkasta oo dunida guudkeeda ku nool waxa uu maalin kasta arkayaa arimo uu kufarxo naftii sana hidi diilo galiya rayn rayna kureeba iyo qaar uu kanoxo oo walaac, tiiraayo iyo beer loxowsi ku beera waana sune rabbaani ah in qofkastaahi uu lakulmo.

Boqor kii ragaad tahay Baxasan aan sugaayiyo kaan beegsanayay baatahay Bogaygaad kutaalaa waax yaha jirkaygana adigaa ku baahdoo beerkaygi baatahay mcnow daraadaa dareen baa isaaqoo damiir kaygi taabtee dibin daabyo iga dhow dayax soo baxaayoo mugdigi iyo madowgii meeshaba kasaaroo maqnaanayn nin baatahay naftaydana hubaashii adigay ku dooratay kaa daali maysee mcnte adigaan ku daa imin.

Like Liked by 1 person. You are commenting using your WordPress. You are commenting using your Google account. You are commenting using your Twitter account. You are commenting using your Facebook account. Notify me of new comments via email. Notify me of new posts via email. Sheeko Jacayl oo Xanuun Badan Qofkasta oo dunida guudkeeda ku nool waxa uu maalin kasta arkayaa arimo uu kufarxo naftii sana hidi diilo galiya rayn rayna kureeba iyo qaar uu kanoxo oo walaac, tiiraayo iyo beer loxowsi ku beera waana sune rabbaani ah in qofkastaahi uu lakulmo.

By Abdiladif Jo. Share this: Twitter Facebook. Like this: Like Loading Leave a Reply Cancel reply Enter your comment here Fill in your details below or click an icon to log in:.

Email required Address never made public. Name required. Post to Cancel. By continuing to use this website, you agree to their use. To find out more, including how to control cookies, see here: Cookie Policy.Qisadaan waa qiso diini ah oo kudhacday wiil muslim ah oo kalunsanaa jidka rabigiis kadibna Alle S.

T kusoo hanuuniyey riyo cajiib ah. Wiilkaan wuxuu lanoolaa qaar kamid ah qaraabadiisa wuxuu ahaa mid kasii jeeday waxyaabaha uu Allaah amray. Kuna siijeeday waxyaabaha uu Allah naga reebay.

qisooyin dhab ah

Habeen habeenada kamid ah ayaa Allaah S. T khayr ladoonay, waxa uu hurdadiisa ku arkay isagoo mugdi kudhex sugan, hadana uu usoolaabtay hanuun. Qisadaan waxaa kasheekeeyay wiilka ay qabsatay wuxuuna leeyahay sidaan.

Waxaan Allah kaman galay sheydaan dhagartiisa waana iska seexday. Waxaan hurdadii ku arkay shey iidhaw oo hadana aad uyar oo misna samada kasoodhacaya dhulkana kusoo socdo waan yaabay Oo igu sohobanaysa. Waan fariistay anigoo walbahaarsan misna raadinaayo shaqsi aan ukaashado masiibadaan. Meel anan arki karin ayay iiga dhawaaqeen waxayna igu yiraahdeen. Maalinta qiyaamana weydhacday. Tana waxay kamid tahay calaamadihii ugu horeeyay" Waan argagaxay!!!

Waxaan xasuustay wax walboo acmaal ah ee aan hormarsaday. Haday wanaagsanaan lehed iyo haday xumaan leheed. Waxaan bilaabay qoomamayn midii iigu darnayd. Waxaa isoo fodsaray cabsi iyo walbahaar. Waxaan isweydiiyay " inteed howsha kabilawda?

Xagee baad kusugnaanjirtay xiliyada salaadaha? Maxaad aheyd mid qabta marka ay kuuyimaadaan amarada allah? Ma eheyd nin wanaaga qaato xumaantana isaga taga? Laakiin waxba imay tarin isla daqiiqadaa ayaan katoosay hurdadii waxaan eegay nafsadayda. Way rumeysan weyday riyadaan.

'+relatedpoststitle+'

Waxaa iga soboday neef weyn waxaa iso wajahday cabsi horleh mana kasuulin in aan baqayo. Nafsadayda ayaa waxaan ku iri " wallaahi baan kudhaartee kani waa digitaan kaaga imadaayday dhanka Allah s.

Maxaad Allah ucaasin ayaan isweydiyay. Miyadan aheyn mid dhex dabaasho wax uu Allaah xarimay? Su,aalo farabadan ayaan kusoo degdegay maskaxdayda umana helin ilaa hal jawaab oo qura.

Taasoo aheyd Allaah ulaabasho si maalinka weyn uga badbaado. Waxaa baryay waagii waxaana lagaaray salaadii subax waan tukaday nafsadaydana waxay darentay Raaxo iyo wanaag Subaxdaas. Waan so baxay waxaan koray gaarigayga waxaan egay gudihiisa waxaaba kabuuxo canjelado HEESO ah waan kasaaray dhamaantood waxaana kutuuray melaha qashinka lagu tuuro.

Waxaan raadiyey canjelado islaami ah oo wax tar iileh. Xaaladaa ayaan kusugnaa maalin kastana waxan ahaa mid mid kusiidhawanayo wadada hanuunka. Badanaa tiro dad ah oo kulunsan dhaldhalaalkan dunida ee beenta ah. Oo badana inta ay hilmaamsiisay maalin aan lahilmaami karin maalinkaa oo uu shaqsigu ka cararayo Walaalkiis-Hooyadiis iyo aabihiis- xaaskiisa iyo caruurtiisa, waa maalin maalka iyo caruurtuba aanay waxba taraynin ilaa ruux Allah ula taga qalbi wanaagsan iyo camal suuban mooyaanee.

Wabillahi tawfiq.Waa wiil Soomaaliyeed oo reer Hargeysa ah, hase ahaatee, xilli xilliyada ka mid ah cumro u tagay xajka barakaysan ee Maka. Cumradaas uun kuma uu eekaan ee waayuhu waxa uu la kulmiyey gabadh Soomaaliyeed, oo halkaas uu tegey ku noolayd isku magaalana ay ka yimaaddeen. Inantii kalgacal ayuu u qaaday, oo kolkii uu Maka ka soo noqday kagama uu iman sidii uu ku tegey, ee waxa uu soo noqday isagoo soo cumraystay, asee tebeya waax ka mid ah, taas oo ah inantii ay halkaa isku barteen.

Aslanba, qiimaha shay weliba wuxuu ku xidhan yahay inta uu kuu jiro, ee aad heli karto. Haddii aad haysatidna, badanaa muhiimad saasa kuuma laha. Jacaylkuna waxaaba la sheegaa marka uu ugu daran yahay, inay tahay kolka labada qof kala fogaadaan, ee xuduudaha samayska ah iyo badda mawluhu ku kala badhay kala hor taagan yihiin ay aad iyo laxaad isugu hilloobaan.

Labadoodiiba aaladda internetka ayaa marin ay farriimaha iyo codadka isu mariyaan u ahayd, halkaas ayayna sidii kuwo wada jooga isaga warqabeen. Iyagoo jecaylkoodii iyo xidhiidhkoodii u socdo oo figta maraya, ayaa waa adduunyee wiilka aabbihii geeriyooday. Waa aabbihiisii cumrada u diray, oo carruurta kalena ay isaga dhawaayeen.

Geeridaasi waxay wiilka jacaylka la daranyaysnaa ku ahayd fallaadh waayuhu kusoo ganay, oo meel xun ka haleeshay. Isagoo geeridaas la daalaa dhacaya ayaa culays kale ugu biiray, naftii uu jeclaa ayaa maalin soo wacday oo u sheegtay in wadnuhu xanuunayo!

Dhakhtar tag ayuu kula taliyey, dhakhtarkiina war wanaagsan ma sheegine, xaaladdeedii ayuu ka sii dayriyey oo qalliin ayuu xal uga dhigay. La qal se kuma ay ladnaan.

Sheekooyin aad u xiiso badan

Tirabana saddex qalliin ayay martay, iyadoo kii u danbeeyey la yidhi farsamo xumo qalliinnadii hore ah ayaa ku heshay, oo xiddida dhiigga ee wadnuhu ma shaqaynayaan, sidaa darteedna waa in tuunbooyin laguu geliyaa. Sidaana xaaladdeedii ku sii xumaatay. Xanuunkeedu waxa uu kusoo beegmay xilli uu geeridii aabbihii iyana la murugaysan yahay, waxay wiilka ku ahayd buur labaad oo la korsaaray.

Weliba marwalba waa ay iska warqabeen, iyadoo xidhiidhkoodii sii kordhay, oo nolosha danbe sida ay u kulmayaan iyo halka ay degayaan ay sii oddorasayeen. Muddo waxay sidaa ku jiraan oo marba iska warhayaan, iyadoo xanuun la tacaalaysa, laftiisuna uusan wax badan badqabin ayaa war naxdin lehi uu soo gaadhay 'inantii hebla way dhimatay' ayaa dhabta loo saaray.

Af-kalaqaad ayay wiilkii ku noqotay, waa adoo taadii awalba la ildarnaa, ilayska yaraa ee kuu ifayeyna ha kaa damo". Qisadaas murugada leh, waxaa BBC-da uga warramay Maansayahan Cabdiraxmaan Axmed Cumar 'haldhis' oo ay saaxiib yihiin wiilka ay ku dhacday, ogaana intii ay inantu noolayd jacaylkooda, markuu saaxiibkii u sheegay inay hebli dhimatayna, isaguna maansadan soo socota ugu baroordiiqay qisadaas uu goobjoogga u ahaa, maansadana magaceedu waa Digrigii Xubbiga.

Qiso Jacayl murugo leh oo wiil iyo gabadh Soomaali ah ku dhexmartay Xajka. Qoraalka sawirka, Maansoyahan Cabdiraxmaan Axmed Cumar. Jaajuus shaqadiisa ku waayay jacayl Warbixin ka hadlaysa farxadda oo la soo saaray Jacayl uu Jeel Ogaadeen kala dhantaalay ee jabhadnimo u horseeday caruusad. Maansada Digrigii Xubbiga. Waktigu dardar buu ka yahay. Mar kale door buu ka yahay. Dahsoonna mar buu u yahay.

Dunida safarkeeda taxan. Nolosha duubkeeda dheer. Markani gurigaan dugsaday. Dawaar adag baa furfuran. Darmiyo gogoshii la laab. Labada dhinac baan ka dayey. Dacalka midig baa babbaday. Darafka bidix baa ku xigey. Markuu seeskiisu dumay. Dawanka dhiilladu ka yeedh. Durtaba cabsi baan dhex galay. Dareen cidla' aan dhex tagey.Nin oday ah ayaa u tamashle tegay webi u dhawaa si uu u soo daawado, waxaana raacay nin ay saaxiibbo ahaayeen.

Odaygii waxa uu fadhiistay webiga dhiniciisa waxaanu daawanayey biyaha. Wuxuu si kediso ah u arkay Dibqallooc biyuhu sitaan, waxaanu doonay inuu badbaadiyo Dibqallooca, laakiin maxaa dhacay? Odaygii gacanta ayuu u fidiyey Dibqalloocii laakiin dibqalocii ayaa qaniinay!

Wuxuu la soo noqday gacantiisi isaga oo qaylinaya oo dareemaya xanuun badan. Haddana mar labaad ayuu u fidiyey gacantii kale si uu u soo badbaadiyo, haddana gacantii kale ayuu ka qaniinay odaygii ayaa la soo noqday gacantii kale isaga oo qaylinaya oo gacantu aad u xanuunayso. Haddana kama quusane waxa uu ku dedaalay inuu soo badbaadiyo Dibqalloocii, waanu ku guulaysatay!

Markaa ma oggolaanayo in dulqaadka, naxariista iyo debecsanaanta ay ka adkaato qaniinyada iyo cadhadu, maxaad se adigu u rabtaa in aan ku raaco dabeecaddiisa cadhada ah oo dabeecaddayda aan beddelo? Akhriste, is weydii dulqaadkaagu ma yahay mid aad cafido ciddii ku xumaysa, mise waxa aad jeceshahay mar kasta in aad ka aargoosato. Bal aan isku dayno dhammaanteen in aynnu dabeecaddeenna wanaagsan kula dhaqanno ciddii ina xumaysa.

qisooyin dhab ah

Waxay aaminsanyihiin dad badani in dumarku xagga musuqa kaga yaryihiin ragga; waxay aaminsanyihiin in dumarku …. Your email address will not be published. Odaygii waxa uu fadhiistay webiga dhiniciisa waxaanu daawanayey biyaha qulqulaya quruxdooda, waxaanu sanka la raacayey saxansaxada iyo udgoonka ka soo baxaya biyaha xareedda ah ee soconaya iyo dhirta ku hareeraysan ee udugga iyo ubaxa badan.

Leave a Reply Cancel reply Your email address will not be published.Qormadani waxay hordhac u tahay silsilad taxane ah oo aan ku soo bandhigayno tiro ka mid ah qisooyinka Rasuulkeennu SCW uga sheekeeyay asxaabta; si ummaddiisu ugu cibro qaadato.

Waxaan kale oo is ku dayaynaa in aan muujino meelaha aynu iska shabbahno innaga iyo ummadahaas hore oo Rasuulku SCW ka sheekaynayo ha ahaato isu ekaansho wanaagsan ama mid xune. Qisadu waa in looga sheekeeyo dhacdooyinka iyo hawlaha hab luqadeed oo ku dhammaanaya ujeeddo laga lahaa warinteeda. Qisadu waa nooc ka mid ah noocyada suugaanta oo dadka naftoodu jeceshahay, ay u dheg raariciyaan, una daneeyaan si aysan u danayn suugaanta kale. Beryahaan dambe waxaa batay qisooyinka, qaar badana waxaa loo badalay bandhigyo iyo filimo lagu matalo qisadu sidii ay u dhacday ama kan allifay u mala awaalay.

Waxaa lagu soo bandhigaa shineemooyinka iyo telefishinada. Riwaayadahaani waxay xambaarsan yihiin dadka qoray caqiidadooda, afkaartooda, dhaqankooda iyo akhlaaqdooda.

Dawlado badan ayaa ku dadaala in ay dunida kale ku faafiyaan dhaqankooda iyo caqiidooyinkooda iyaga oo u maraya filimada, riwaayadaha, joornaalada iyo buugaagta; si ay dadka caqligooda ugu qafaashaan, ka dibna ay ugu noqdaan daba joogeyaal ku ag wareega. Dadka in badan waxay la tahay in qisooyinku yihiin wax loo akhristo madadaalo; maxaa yeelay waxay u arkaan in ay tahay wax aan xaqiiqo ahayn ee lagu madadaasho. Dhab ahaanna qisooyinka dadku ku sheekaystaan badankoodu waa caynkaas.

Ilaahay wuxuu yiri: Annaga ayaa kaagaga qisaynayna warkooda asxaab alkahf si dhab ah. Qisaduna dhab ma noqon karto say u dhacday in loo wariyo mooyee. Ilaahay waa ka nasahan yahay been, mana dhici karto in uu sheego qiso aan dhicin. Tan kale Ilaahay qisada uu ka waramayo waa wax uu og yahay oo aan mala awaal ahayn, illeyn waa Alle cilmi badane. Wuxuu yiri Rabbigeen: waan u qisaynaynaa annaga oo xog ogaal ah, mana ahin cid maqan.

QISO JACEYL DHAB AH - PART 1 SOMALI FLIM SOMALI MOVIE

Marka ay ogaadaan addoomadu in waxa Alle uga waramayo ay yihiin wax run ah oo dhab ah waxay ku yeelanaysaa naftooda saamayn weyn, waxaa ku toosaya dhaqankooda iyo akhlaaqdooda. Ilaahay wuxuu Nabiga SCW ku amray in uu dadka uga qiseeyo qisooyinka uu og yahay; si ay ugu fakaraan xaaladaha ummadihii hore, ugu daydaan hadday wanaagsan yihiin, ugana dheeraadaan falalkooda hadday xumaayeen. Alle wuxuu yiri: Qisooyinka uga qisee ; si ay ugu fakaraan.

Wuxuu kale oo yiri: Qisooyinkooda Ilma Yacquub waxaa ugu sugan dadka caqliga leh cibra qaadasho, mana aha qisadaani sheeko la been abuuray.

Rususha iyo ducaaddu waxay ka qaadan jireen qisooyinka dadyawgii hore wacdi iyo cibro. Nolosha dadku way isu eg tahay xagga toosnaanta iyo qallooca. Waxaad moodaa in laga waramayo xaakim caadil ah oo maanta jooga ama xaakimka hebel ah ee daaqiga ah qooqe iyo fasaadka uu ummadda ka dhex wado.

Mar kale waxay kula noqon in laga sheekaynayo hebelka ganacsadaha ah ama beeraleyda ah ee wanaagsan, marna waxaa kuu muuqanaya niman shirkad ah oo ballan Ilaahay ku galay in aysan masaakiinta xaqeeda siin oo kuwa maanta jooga lamoodo. Ilaahayna wuxuu dadka ku amray in ay dhulka ku socdaan oo ay eegaan sida ay ku dambeeyeen kuwii iyaga ka horreeyay; si ay ugu cibra qaataan. Rasuulka SCW ayaa ku soo degay nin reer miyi ah, markaas ayuu karaameeyay. Markaas ayuu Nabigu SCW ku yiri: ninka reer miyiyoow i weydiiso dantaada.

Markaas ayuu yiri laba jeer: Rasuulka Alloow: hal reeryaysan iyo riyo reeruhu ii maalaan. Markaas ayuu yiri: qofkiinee yaqaan qabriga Yuusuf?.

Markaasay ku tiri: Wallaahi in aanan yeelayn ilaa aan jannada kula galo. Nabigu SCW wuxuu yiri: wuu dhibsaday Rasuulkii hadalkeedii, markaas ayaa lagu yiri: sii dalabkeeda, markaasuu siiyay, markaasay timid badyaro meel biyuhu ku uruuraan markaasay tiri: dhura biyahaan, markay dhureen ayay ku tiri: qoda halkaan, markay qodeena waxaa ku jira lafihii Yuusuf.

Markii ay dhulka ka qaadeenna waddadii waxay u noqotay sida iftiinka maalinta oo kale. Waxaynu sheegnay in sheekada warinteeda diintu ka leedahay ujeeddo la doonayo in lagu gaaro. Ujeeddada ugu weyni waa in cibro iyo waansamid laga qaato oo hadday wanaagsan tahayna lagu daydo, hadday xuntahayna laga dheeraado.

qisooyin dhab ah

Martigalintu waa wax xaq loogu leeyahay qofka muslimka ah.Sheekadani waa qiso jaceyl oo dhab ah. Wadnaha damqashada ka daa. Halka ay dumar ka sheekeeyaan badhaadhahooda sida cadaadada u ah iyaga oo qarinaya guul-darrooda.

'+relatedpoststitle+'

Marnaba inan ragg uma fiicna in uu is faansho waayo? Akhristayaal sheekadini maaha mid aan malo-awaaley ama aan meel ka soo dheegtey ama inta aan mirqaamay aan qalin iyo buug qaatay ka dibna aan sameeyey sheeko mirqaan. Intaa in aanay midna ahayn waxa idiin caddaynaysa nuxurka sheekadu xambaarsantahay. Gabdhaha Soomaaliyeed waxay sas ka qabaan ninka aan maalintaa gacanta waxba ku hayn, wana lala yaabaa haddii la arko inan inan caashaqday nin aan wax adduun ah haysan, mase aha wax lala yaabo waayo?

Dadku wada taajir maaha. Gabdhaah maanta joogaa waxay eegtaan ama ay tixgeliyaan oo keliya ninka maalintaa jeebkiisu buuxo, marka laga reebo in yar oo haweenka ka mid ah oo fahamsan in cidda keliya ee wax bixisaa ay tahay ILLAAHAY [SWT] hablaha manta joogaa waxay moogan yihiin in la arko nin maanta buuxa berina faro madhan, iyo nin maanta faro madhnaa berina jeebkiisu buuxo. Naa ninku lagac ma leeyahay? Muxuuse ka shaqeeyaa? Muddo dheer ayaan ku noolaa caasimadda Somalialnd ee Hargeysa, waxan wax ka baran jirey mid ka mida iskuullada gaarka loo leeyahay [ PRIVATE SCHOOL] waxan wax walba dhaafsaday in aan wax barto oo aan labada gelinba qalin iyo buug sito, labadaasaan saaxiibla ahaa, waxa igu kelifey in aan sida u dedaallo waxan ogaa noloshii ay ku noolaayeen reerkayagu oo ahayd nolosha baadiha, reerkayagi xoolo miyi mooyaane xoolo magaallo ma lahayn, ma jirin cid aan aniga ahayn oo wax barasho ka gashay.

Waxan ka dheeraaday sheekooyinkii dhexmari-jirey wiilasha iyo gabdhaha aannu isku waxbarashada nahay, waa mid aan dhalinyarada laga waayin sheekooyinka jacaylka ah weliba xilliga ay kuwada jiraan wax barashada, balse anigu waan laabay boggii sheekooyinka waxanna sida u samaynayey yaan sheekada dumarka wakhtikaaga lumin.

Balse anigu ma aan ogayn in jacaylku dhibta intaa leeg uu leeyahay dad badana uu galaaftay. Waxan deganaa xaafadda BADDA CAS waxan dulsaar ku ahaa guri uu leeyahay nin aannu ilmaadeernahay, wuxu ahaa nin lacag leh kana mid ah hoggaanka dalka, waxan dhamaystay Dugsigii sare ee bareefaddka ahaa. Anigu waxba gacanta kuma haysan waxana fiiga iga bixin jirey ninka aannu ilmaadeerka nahay, markii aan dhamaystey Dugsigii sare waxan galay qayb sanad ah oo jaamacadda ah taasoo aan ku baran jirey culuumta saxaafadda.

Malaha inantan ta tilifoonka iga qabatay Xasan waa walaalkeed oo 10 jir ah. Runtiina inantii gool qurux badab ayay iga dhalisay, waxanna u qushuucay sida wanaagsan ee ay inantu iigu caqli celisey waxanna markiiba u aqoonsaday inantii qof ehel u ah diinta, hadalkeedii markiiba meelbuu I taabtay.

Marka aan hadalkaa leeyahay waxan anigu jecelahay in ay ugu tidhaahdo Xasan ma degana guriga si aan u jeedadayda u caddeeyo marnaba isma aan odhan niyadda ma aan gashan Xasan inanta ayay walaalo yihiin, wuxuse hadafkaygu ahaa Xasan ka sii dhigo salaankii aad sheekada inanta u sii mari-lahayd, waxayse jewabtii inanta noqotay walaal Xasan wuu joogaa?

Markaasaa talo igu caddaatay mana odhan karro inanta Xasan ii dhiib oo wuxuu yahay ma garanayo. Si fiican uma aan aqoon luuqada afka carabiga halka ay iyadu ku wadh-wadhatay ku hadalka luuqadda afka carabiga, waxan u qaatay kelmadda siyaara oo ah booqasho in ay iila jeedey miyaadna soo dewersatey, balse iyadu waxay ula jeeddey miyaadna soo booqatay. Jewaabta saxda ahina waxay ahayd ta inanta.

Filed under: Somaliland. You are commenting using your WordPress. You are commenting using your Google account. You are commenting using your Twitter account. You are commenting using your Facebook account.

Notify me of new comments via email. Notify me of new posts via email. Blog at WordPress. WP Designer. Share this: Twitter Facebook Reddit.

Like this: Like Loading U dhaaf Halcelis Buri halceliska Enter your comment here